Somaliweyn.org

Somali News and intertainment

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaalka oo Muqdisho lagu doortay

Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay guddoomiye cusub oo hoggaaminaya guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal FEIT, kaddib markii ay xilkaasi u tartameen laba musharax oo ay cod u qaadeen guddiga doorashooyinka.

Labada musharax ee u tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban oo lagu kala magacaabo Muuse Geele Yuusuf iyo Cabdiaxiin Cabdicasiis Aadan ayaa waxaa 14 cod ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddigaasi, iyadoo musharaxa kale ee la tartamayay uu helay 11-cod.

Xafiisyada madaxtooyada iyo kan Ra’iisal Wasaaraha oo labada musharax u kala ololeynayay ayaa ugu dambeyn waxaa guuleystay musharaxii xafiiska Ra’iisal Wasaaraha u ololeynayay, iyadoo iminka iyo wixii ka dambeeya uu aad u yaraanayo doorkii madaxtooyada Villa Somalia ku lahayd howlaha doorashooyinka.

Dhinaca kale iyadoo uu dib u dhac ku yimid xilligii loo asteeyay inay ku bilowdaan doorashooyinka dalka, ayaa waxaa jira caqabado kale sida guddoomiyihii guddiga doorshooyinka maamul goboleedka Puntland oo dhowaan is casilay aan weli booskiisa la soo buuxin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *