| | 298 views

Taageerada xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed ee Musharax Xuseen Cismaan oo sii kordheysa

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in kulan halkaasi ka dhacay uu dhex maray musharax Xuseen Cismaan iyo xildhibaanada gobolka Sh/hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba iyo qodobo kale.

Musharax Xuseen Cismaan Xuseen ayaa mudanayaasha Baarlamaanka K/Galbeed waxa uu u sharxay mabda’iisa iyo in haddii uu ku guuleysto madaxtinimada maamulkiisa uu noqonayo mid isbedel dhab ah u keena dadka degan saddexda gobol ee hoos yimaada dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

“Anigoo ku kalsoon Xildhibaanada baarlamaanka waaya aragnimada ay u leeyihiin xaaladda dhabta ah ee jirta waxaan isleeyahay inay taageerayaan musharax aqoon iyo karti u leh si dadka ku dhaqan goboladaan ay dhibaatada uga baxaan” ayuu yiri musharax Xuseen Cismaan oo ay ka muuqatay kalsoon aad u weyn.

Axmed Maxamed (Macallin Barre) Wasiirka diinta iyo awqaafta ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka K/Galbeed oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan ayaa sheegay in isagoo ku hadlayay magaciisa iyo kan xildhibaanada gobolka Sh/hoose ee baarlamaanka K/galbeed ay si buuxda u taageerayaan isla markaana codkooda ku siinayaan musharax Xuseen Cismaan.

“Kahor kulankaan aan maanta isugu nimid waxaan derisnay musharaxiinta faraha badan ee u tartameysa xilka madaxweynaha K/Galbeed waxaana noo soo baxday in musharax Xuseen Cismaan uu yahay mas’uulka mudan in loo doorto madaxweynaha cusub” ayuu yiri xildhibaan Axmed Maxamed (Macallin Barre).

Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ee baarlamaanka K/Galbeed ayaa taageerada ay u muujiyeen musharax Xuseen Cismaan Xuseen waxay jawaab cad u tahay dalab ka yimid shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo isu soo bax ay dhowaan ka sameeyeen magaalada Marka dalbaday in madaxweynaha cusub loo doorto Xuseen Cismaan.

Marka la eego musharaxiinta ku sugan magaalada Baydhaba oo uu ugu da’ weyn yahay musharax Cismaan waxaa la saadaalinayaa inuu isaga ku soo baxo doorashada, xilli dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaaladaasi ku dhaceen isbedello fara badan isla markaana keentay inuu xilka iyo musharaxnimadaba iska casilo Shariif Xasan Sh. Aadan dhowaan.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada