| | 255 views

Abiy: “Eritrea,Ethiopia iyo Somalia ma yeelan doonaan mustaqbalka Saddex Madaxweyne”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ay yeelan doonaan hal madaxweyne halka ay hadda maamulaan Saddex Madaxweyne xilli uu qudbad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar.

Xilliga uu qudbada jeedinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ka qeybgalay shir saddex geesood ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaan cadeyn xilliga ay midoobi doonaan saddexdan dal balse waxa uu sheegay”Mustaqbalka”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay xilli uu ka hadlayay magaalada Gondor in Taariiqda Geeska Afrika ay isbedeshay.

“Hadda waxa aan u dhaqaaqeynaa wax wada qabsi goboleed taasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha si loo xaqiijiyo in saboolnimada laga baxo.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdulaahI Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Itoobiya.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada