| | 349 views

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo loo adeegsaday gawaari iyo goobihii lagu weeraray

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyada lagu weeraray labo Hotel oo kuyaala Agagaarka Isgooska KM-4 iyo xarunta CID-da.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lagu dhuftay Hotelka Saxafi oo ku yaala agagaarka Isgooska KM-4. waxaana laba daqiiqado kadib qarax labaad oo aad u xoogan lagu dhuftay darbiga Xarunta Dambi baarista CID-da.

Sida aan Wararka ku helnay qarax sadexaad ayaa isna lagu weeraray Hotelka Hayat oo ku dhegan Hotelka Saxafi, waxaana qaraxa lagu weeraray Hotelka Hayat uu ka dhacay koontarool laga galo Hoteelkaasi.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay halka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dabley hubeesan ay qeyb ka yihiin weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada, waxaana gabi ahaan xiran aagii ay ka dhaceen qaraxyada xoogan.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada