| | 338 views

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Itoobiya+Sawirro

Muqdisho- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Bahr Dar ee isla Dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Gondar si weyn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Mas’uuliyiin kale.

Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eritrea, Isaias Afwerki.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada