| | 359 views

Ethiopian Airlines oo markii ugu horaysay maanta soo Caga dhigatay Garoonka Muqdisho+Sawirro

Maanta oo Jimca ah ayaa waxaa markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah kadib, soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Xaflad kooban oo lagu soo dhoweynayay Duulimaadka shirkaddan ayaa waxaa lagu qabtay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa ka soo qayb galay munaasabadaasi mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya, Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya, maamulaha Shirkadda Ethiopian Airlines iyo Madax kale.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya,Kamaalu diin Mustafa, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ah u billoowday Duullimaadkii Diyaaradda Ethiopian Airlines 41 Sana kadib, tusaalana ay u tahay fulinta Siyaasadda fur-furan ee ay Dowladda Itoobiya qaadatay, taas oo ah isku xirka Afrika, gaar ahaan waddamada Gobolka.

Amb, Kamaalu-Diin Mustafa, ayaa sheegay inay arrintani faa’iido u leedahay is-dhex galka Labada Dal, isagoo tilmaamay in waxa keliya ee maanta dunida isku xira ay tahay Duullimaadyada, Ethiopian Airlines-na ay isku xiri doonto Waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inay yihiin Laba Dal oo Walaalo ah, deris ah, Dadna isugu xiga, sidaa awgeedna ay Dowladdiisu ku raja weyn tahay inay Duullimaadka Ethiopian Airlines fududeyn doonto xiriirka isu socodka Dadka iyo midka dhaqan dhaqaale ee Labada Dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi (Oomaar) oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diyaaradda Ethiopian Airlines aysan ku iman arrimo ganacsi oo keliya, balse ay ku timid shaqa badan oo laga qabtay xagga ammaanka ,taas oo suurta gal ka dhigtay in habka ay Dowladdu u marto sugidda nabad gelyada ay ku qancaan dhammaan Diyaaradaha Caalamka.

Mr.Oomaar, ayaa howlaha quruxda badan ee ka socda Madaarka uga mahad celiyay, Maamulka, Ciidamada kala duwan iyo dhammaan shaqaalaha Garoonka, taasoo keentay in ammaanka Airporka Muqdisho uu ka sarreeyo meelo badan oo Dunida ah.

Wasiir Oomaar, ayaa sheegay inay Labada dhinacba ugu jirto dano dhaqaale, fur-furnaan xagga ganacsiga ah iyo shaqaalaysiin badan, isagoo shirkadaha Diyaaradaha ee kusoo kordhaya Dalka Soomaaliya ugu baaqay inay Shacabka u fududeeyaan Safarradooda.

Dhanka kale Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airpot Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada