| | 170 views

DEGDEG: Qaraxyo xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay meel ka fogeyn isgoyska Soobe ee Km5, kaasi oo gilgilay inta badan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee aanu heleyno ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari miineysan kaasi oo lala eegtay xarunta CID-da oo ku dhow isgoyska Km4, waxaana jira qasaarooyin kala duwan oo ilaa iyo iminka la tirakoobin.

Qaraxa hore ayaa markii uu dhacay daqiiqado kaddib hadana waxaa dhacay qaraxii labaad kaasi oo ahaa mid cirka ku shareeray uuro iyo holac, iyadoo kumanaan dadweyne ah oo raxan raxan u socda ku sii qulqulayaan halka ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale ciidamada gurmadka iyo kuwa ammaanka Dowladda Federaalka ayaa durba goobta gaaray, iyagoona xiray gebi ahaanba halka ay qaraxyada ka dhacay isla markaana bilaabay inay halkaasi ka qaadaan meydadka iyo dadka ay dhaawacyadu soo gaareen.

La soco wararkeena dambe wixii ku soo kordha qaraxyadaasi



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada