| | 269 views

Hoggaamiyaha Xuutiga oo sheegay inuusan Sucuudiga isku dhiibeynin

Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa sheegay in uusan marnaba isu dhiibi doonin xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

Khudbad uu ka jeediyay telefishin ayaa Cabdulmaalik Al-Xuuti waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisu in ay iska caabiyaan weerarka dawladda ee magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda.

Hogaamiyaha jabhaddani ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibo.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay hawada ka taageerayeen dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman dhulka ka wadeen.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa ugu baaqay labada dhinac ee colaaddu ay u dhaxeyso in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa Mareykanka waxa uu ku baaqay xabbad joojin balse dagaalka ayaa halkiisa ka sii socda.

Bartamihii bishii Juun ee sanadkan ayuaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi.

Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo.

Dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada