| | 296 views

Shirkad shaqaalaheeda ku qasabtay inay Kaadi cabbaan, Baraan barana cunaan!!!

Maareeyeyaasha shirkad Shiinaha ku taalla ayaa xabsi la dhigay,kadib markii ay shaqaalahiisa ku qasbeen inay cabaan kaadi ayna cunaan Baraanbaro iyaga oo ku ciqaabaya in ay awoodi waayeen in ay shaqadooda ka soo bixi waayeen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Booliiska ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii la helay muuqaallo muujinaya shaqaalaha oo suun lala dhacayo oo dareere jaale ahna cabaya.

Qoraallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa sheegay in shaqaalaha loo sheegay in ay cunaan baraanbaro haddii ay xaqiijin waayaan shaqada loo idmaday.

Saddex masuul oo shirkadda ka tirsan ayaa min shan ilaa 10 sano loogu xukumay dhacdadaas, sida uu ku warramay wargeyska Koonfurta Shiinaha ka soo baxa ee Morning Post.

Muuqaal aad la isula wadaagay oo la soo dhigay barta ay bulshada Shiinuhu ku xiriirto ee Weibo ayaa muujiyay nin shaqaalaha ka mid ah oo bartanka taagan oo suun lala dhacayo.

 



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada