| | 197 views

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay Qorshayaal lagu hormainaayo Muqdisho.

Muqdisho:- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha.

“Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ku xigeenada guddoomiyaha, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada