| | 447 views

Fadhi ku dirir laga faa’iiday!!!!!.

Maalmahaan,waxaan la joogay Md. Adan Maxamed Cali, waxaan Camiranay Fadhi ku dirir Cilmiyeed waxaan fadhiisanaa Waddada dhinaceed ( Marshabiyeedi) oo aan Shaah ku wada cabnaa Deg/ Xamar weyne. Asagaaba iga Roonaa oo i xasuustay, Jir ahaan & Maskax ahaanba, Caafimaad aad u wanaagsan ayaa ka muuqdo Alla ha u siyaadiyee.

waxa uu igu yiri: Qoraaladaada ayaan Aqristaa, Aniguna waxaan ku iri hadda Adigaan ku Aqristaa oo aan wax kaa bartaa.

Md. Adan Maxamed Cali, waxa uu ku dhashay Baargaale (Punt Land) 13/12/1939. Shaqada dowlada waxa uu bilaabay sanndkii 1964tii. waxa uu noqday Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Somaalida (1966-1969). Waxa uu noqday Gudoomiyaha waxbarashada Gobalka Banadir (1970-1974). Wasiirka shaqada iyo Isboortiga (1974-1976). Wasiirka wax Barashada (1976-1982). Wasiirka Kaluumeysiga (1984-1989). Xoghayihii Xisbiga Kacaanka (1989-1990). Xildhibaan Golaha shacabka (2000-2009).

Tallo.

waxa aan ku talin lahaa in Dowladdu ey kala tashato wax barashada, haddii la waayo, in wasaaradda wax barashadu ey ka faa’iideysato waaya arragnimadiisa si khalidkii shalay la galay aan dib loogu noqon, ama in Jaamacadaha Gaar ahaan kuliyadaha wax barashadu ey ka codsadaan in saacado kooban uu Cashar waaya aragnimo ah uu siiyo Ardayda & Macalimiinta, iyo in Dalladaha wax barashadu ey Talo weydiistaan. Wakhtigii Kacaanka khaladaad badan waa la isku Qamirshiiday, si khaadkii shalay aan dib loogu noqon halaga faa’iideysto.

Casharka uu maanta i siiyay waxa uu ahaa: Carabta waxaa heysta Cuqubadii Cusmaaniyiintii Turkiga ey ka galeen iyo Qorista Farta Somaliga sidii Carabtu u diidaneyd.

Waa iga tallo, Jiilka cusub haka Faa’iideen, wayaaya arragnimadii ey u soo joogeen waalidiintoodii hore Shibil & Ciidanba.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada