| | 351 views

Xuseen Cusmaan oo qaatay shahaadada musharaxnimo

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii guddiga doorashooyinka magaalada Baydhaba ay u aqoonsadeen inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee isagu u taagan xilkaasi.

Musharax Xuseen Cusmaan oo ah shaqsiga ugu firfircoon musharaxiinta ku sugan magaalada Baydhaba ayaa mar uu ka hadlayay shahaadada la guddoonsiiyay waxa uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay arrintaasi.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta la i guddoonsiiyo shahaadada musharaxnimadeyda” ayuu yiri Xuseen Cusmaan oo sheegay in guddiga doorashooyinka howshoodu tahay mid ay ku qanacsan yihiin dhammaanba musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha K/Galbeed.

Musharax Xuseen oo ah shaqsiga ugu firfircoon musharaxiinta ku sugan magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu isagu si weyn ugu kalsoon yahay inuu ku guuleysanayo xilka madaxweynaha cusub ee maamulka K/Galbeed, isagoona taageero ballaaran ka heysta xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolada maamulkaasi.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada