| | 401 views

Ilmo siddeed iyo toban bilood jira oo bad laga soo badbaadiyay

Kaluumayste reer New Zealand ah ayaa badda ka soo badbaadiyay wiil 18 bilood jira, arrinytaas loo lagu tilmaamay “mucjiso mar la arag ah”.

Gus Hutt oo ku sugnaa xeebta Matata Beach ayaa isaga oo kaluumaysanaya arkay wax yar oo biyaha dul heehaabaya.

Wuxuu markii hore u qaatay boonbale markii uu oohin maqlay ayayse u caddaatay in uu ilmo yar yahay.

Wiilka yar ayaa ka soo baxsaday teendho uu waalidkii kula sugnaa badda ayuuna ku soo dhacay.

“Boonbale ayaan u qaatay, xataa marrkaan gaaray meeshii uu biyaha kaga sugnaa een qabtay gacantiisa, wali boombale ayuu ila sii ahaa, ayuu yiri Hutt oo la hadlay warbaahinta gudaha ee NZ Herald.

“Markaas ayaan iri Alla Illaahayoow waa ilmo yar wuuna nool yahay”.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada