| | 326 views

Arsenal iyo Liverpool oo Bar-baro ku kala baxay….

 

Alexandre Lacazette ayaa guuldarro ka badbaadiyay naadiga Arsenal iyadoo dhibcaha la wadaagay Liverpool kulankii ku dhamaaday 1-1

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray goolal la’aan 0-0, iyadoo labada dhinacba ay ay soo bandhigeed kubbad aad u qurux badan.

Daafaca Liverpool ee Van Dijk fursad halis aheyd waxaa ka badbaadiyay goolhayaha halka mid kalena uu birta ku garaacay.

Dhanka Arsenal ayaa isku dhawra sameyay waxaana kamida aheyd kubbad uu goolhayaha si wanaagsan kaga badbaadiyay Alexandre Lacazette.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad labada dhinac ayaa dardar kusoo galay waxaana hogaanka dheesha qabatay Liverpool daqiiqadii 61-aad markii uu darbad uu ka tuuray irida goolka uu shaqaba ku hubsaday laacibka James Milner taasoo marka hore uu goolka afkiisa hore dhigtay goolhayaha Arsenal.

Markale Reds ayaa ku sigatay iney hogaanka dheereystaan markii kubbad diiba uu banaanka soo dhigay Mohamed Salah uu lugta la gaari waayay Sadio Mane.

Intaa kaddib cayaarta ayaa u jan jeertay dhanka Arsenal oo kubbad dhan kasta weerar ka aha ku heysay goolka Liverpool fyrsadii ugu halista badneed waxaa laga badbaadiyay Lucas Torreira.

Balse ugu dambeyn Waxaa yimid goolka bareejada kasoo uu si xirfad leh ku dhaliyay Alexandre Lacazette oo caawin fiican ka helay Alex Iwobi.

Gunners ayaa u muuqatay mid aad uga firfircooneed Liverpool dhamaadka kulanka Laakiin natiijada cayaarta ayaa ugu dambeyn ku idlaatay garba siman oo 1-1 ah.

 

 

 



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada