| | 667 views

Musharax Xuseen Cusmaan oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed

Xarunta madaxtooyada maamulka K/Galbeed Soomaaliya waxaa ka dhacay kulan saddex geesood ah oo ay wada yeesheen musharax Xuseen Cusmaan Xuseen, Guddoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed Shariif Shiiqunaa Maye iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sh. Aadan oo isna ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Kulanka oo ahaa mid wada tashi ah, ayaa saddexda mas’uul waxay uga wadahadleen arrimo ku saabsan diyaar garowga loogu jiro doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka K/Galbeed, iyagoona isku afgartay qodobo dhowr ah oo ku saabsan ajandayaasha ay ka wadahadleen.

Qodobada ay ka wadahadleen saddexda mas’uul waxaa ka mid ah: habraaca doorashooyinka la filayo inay Baydhaba ka dhacaan 17-ka November sanadka 2018-da, sidii ay u dhici lahayd doorasho xaq iyo xalaal ah isla markaana ka maran musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Kulankaan oo ahaa midkii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Baydhaba ayaa waxa uu tusaale cad u yahay miisaanka uu ku leeyihiin musharax Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah labada musharax ee ugu horeeya musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Dhinaca kale musharax Xuseen Cusmaan ayaa noqday ninka ugu horeeya musharaxiinta ku sugan magaalada Baydhaba, kaddib markii uu taageero ka helay qeybaha bulshada, Xildhibaanada iyo waxgaradka beelaha dega Koonfur Galbeed.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada