| | 580 views

Malaaqyada iyo Xildhibaanada K/Galbeed oo ku baaqay inay codkooda siiyaan musharax Hussein Osman (Sawirro)

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo dhex maray Xidhibaanada, Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle iyo waliba musharax Hussein Osman Hussein, waxayna ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Sidii loo taageeri lahaa isbedellada ka dhacaya hoggaanka maamuka K/Galbeed, doorashooyinka soo socda.

Musharax Hussein Osman Hussein oo khudbad kooban ka jeediyay kulankaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadkiisa ku aadan haddii uu ku guuleysto madaxtinimada maamulka K/Galbeed oo uu sheegay inuu haatan ku sugan yahay xaalad adag.

Waxa uu sheegay inuu gobolada K/Galbeed hoos taga uu ka sameynayo maamul ay u dhan yihiin isla markaana karti u leh inuu isbedel muuqdo oo waxtar u leh bulshada ku dhaqan goboladaasi, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo danaha guud ahaan gobolka oo dhan.

Xubnaha kulanka ka hadlay waxaa kale oo ka mid ahaa afhayeenka golaha guurtida Konfur Galbeed Malaaq Maxamed Yacquub (Malaaq Deerow) oo sheegay inay muhiim tahay isbedel ka dhaco gobolada K/Galbeed, isagoona tilmaamay in musharax Hussein Osman Hussein uu yahay masuulka ka samata bixin kara degaanada K/Galbeed ee ay dhibaatada ku habsatay.

Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle xubno ka tirsan oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in musharax Hussein Osman uu yahay masuulka kaliya ee maanta karti u leh inuu hoggaamiyo maamulka K/Galbeed, waxayna ka dalbadeen xildhibaanada baarlamaanka inay codkooda siiyaan.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa halkaasi ka sheegay inay taageerayaan musharax Hussein Osman, iyagoona ugu baaqay xildhibaanada kale inay codooda siiyaan musharaxaan oo khibrad iyo waayo aragnimo u leh maamulka dowladnimada.

Musharax Hussein Osmaan Hussein ayaa ugu dambeyntii uga mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen malaaqyada, xildhibaanada iyo qeybaha ururrada bulshada K/Galbeed ku dhaqan, wuxuuna ballanqaaday inuu ku shaqeynayo rabitaanka shacabka ku dhaqan degaanadaasi, mana aha kulankaan midkii ugu horeeyay ee musharax Hussein Osman.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada