| | 517 views

Musharax Xussein Osman oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo+Sawirro

Taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka Xussein Osman Xussein ayaa maanta duhurnimadii ka dagay magaalada Baydhabo isagoo ay galbinayaan xildhibaano ka tirsan labada golo iyo wasiiro ka soo jeedo Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey boqolaal ka tirsan shacabka magaalada, xildhibaano, oday dhaqameedyo, aqoon yahahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xuseein waxaa loo galbiyey goob loogu diyaarshay boqolaal qof si uu khudbad uga jeediyo, waxaan halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu gubaabinayo xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Xussein Osman Xussein, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaano dalka.
Taliye Xussein ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey wuxuuna yiri” Waan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweyntiina qiimaha badan, waxaana qaadan doonaa kulamo kala duwan, anigoo qaybaha bulshada la qaadan doona wada tashiyo ku aadan sidii loo bad baadin lahaa shacabka Koonfur Galbeed, oo dhibaato ka haysto dhanka amniga, dhaqaalaha, maamul xumada, caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xusein oo war kooban siiyey shacabkii u la kulmay
Taliye Xussein ayaa lagu wadaa iuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, kadib xaflad balaaran oo lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxaan amaankiisa sugaya ciidamo khaas ah oo ka raacay magaalada Muqdisho, wuxuuna u muuqdaa musharax ay dowladu gadaal ka riixayso.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada