| | 436 views

Arsenal oo xalay ka adkaatay Sporting Lisbon, xilli ay sii wadato Guulaheeda Xiriirka ah.+Sawirro

Kooxda Arsenal ayaa halkeeda ka sii wadatay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay ku soo jirtay waxayna guusheedii 11 aad oo xidhiidh ah ka soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo ay Portugal marti ugu ahayd.

Arsenal ayaa awooday in ay kulankeedii saddexaad oo xidhiidh ah ee Europa League ay guul soo gaadhay.

Danny Welbeck ayaa Arsenal ka caawiyay in uu dhamaadkii ciyaarta jabiyay ismari waa waqti dheer soo taagnaa waxayna Gunners hadda ku jirtaa xaalad cajiib ah kadib markii ay bilawgii xili ciyaareedkan dhibaato ku bilaabtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaan noqon mid goolal la iska dhaliyay waxayna Arsenal ahayd kooxda khadka dhexe ku xooganayd, laakiin waxay ku dhibtoonaysay in ay kubbad hal abuur leh gaadhsiiyaan Aubameyang iyo Welbeck.

Kooxda martida loo ahaa ee Sporting ayaan iyada lafteedu samayn wixii laga filayay maadama oo ay ciida kooxdeeda ku ciyaaraysay waxaana qaybtii hore lagu lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay wali ciyaartu sii ahayd mid aan fursado badan lahayn isla markaana ay goolashu ka maqan yihiin laakiin Emery ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay daqiiqadii 58 aad wuxuuna keenay xidiga muhiimka noqday ee Torreira isaga oo saaray Mohamed Elneny.

Arsenal ayaa kadib bilawday inay fursado fiican abuurto, isla markaana ay raadiso goolka furitaanka si ay guul u gaadho waxayna markan awooday in ay Sporting dareensiiso culayskii laga filayay.

Daqiiqadii 77 aad Danny Welbeck ayaa ugu danbayn ka faa’iidaystay qalad wayn oo uu sameeyay Coates kaas oo xidiga reer England hadiyad u siiyay kubbad uu xerada ganaaxa kooxdiisa ku baasay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Gunners hogaanka kula wareegtay.

Unai Emery ayaa saaray Danny Welbeck iyo Aubamayeng wuxuuna ciyaarta soo galiyay Lacazette iyo Alex Iwobi laakiin waqtiga ay Arsenal goolka heshay ayaa xaalada ku sii xumeeyay Sporting.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Arsenal guul kaga soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon iyada oo Gunners soo diwaan gashatay guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee Europa League iyo guusheedii 11 aad ee tartamada oo dhan oo xidhiidh ah.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada