| | 334 views

Tahriinbayaal Soomaali ah oo saakay soo gaaray Muqdisho, kadib markii laga keenay Dalka Eritrea.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Aadan Cadde Saakay soo gaaray 56 ruux oo soomaali ah, kuwaas oo laga soo celiyay xadka ay wadaagaan Eritrea iyo suudaan.

Tahriibayaashaan saakay yimid magaalada ayaa ku noolaa muddo badan xero qaxooti ah oo lagu magacaabo Shakaarab oo ku taala sohdinta Eritrea iyo Suudaan ay wadaagaan islaamrkaana dadkaan lagu tilmaamay inay ahaayeen tahriibayaal.

Tahriibayaashaan ayaa lagu sheegay inay iskugu jireen rag dumar iyo ilmo yar oo da’dooda lagu sheeegay 12 sano jir, Maryan Yaasiin oo xafiiska madaxweynaha u qaabilsan dhanka qaxootiga ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay wadi doonto soo bad baadinta muwaadiniinteeda ee ku nool daafaha caalamka iyadaoo aanan jirin wax qasab ah.

Soomaalidaan soo celinteeda iska kaashaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’addda IOM ee socdaalka qaabilsan, iyadoo Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka u badan dhallinyarada ee ku dacayan daafaha Caalamka.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada