| | 332 views

Axmed Madoobe “Doorasho aysan raali ka ahayn shacabka iyo Maamul goboleedyadu aysan ka dhici doonin Soonmaaliya..”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay doorashada ku soo wajahan dalka ee dhici doonto Sanadka 2020-ka, isagoo sheegay in marka la fiiriyo xalada uu xiligan dalka ku sugan yahay aysan macquul ahayn qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u adag tahay,isla markaana Mas’uuliyiinta Dowlada federaalka Soomaaliya ay ku mashquulsan yihiin burburinta Madaxda Maamul goboleedyada halkii ay shaqadii loo xil saaray ay qaban waayeen.

Axmad Madoobe wuxuu sheegay in doorasho aysan nooceeda raali ka ahayn shacabka iyo madaxda Maamul goboleedyadu aysan ka dhici doonin Soonmaaliya sanadka 2020.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada