| | 1,360 views

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka K/Galbeed oo yeeshay kulan ay ku taageerayaan musharax Xuseen Cusmaan (Sawirro)

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kulan ay yeesheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka K/Galbeed, kulankaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan doorashooyinka Madaxweynaha cusub iyo arrimo kale.

Hotelka Horyaal ee magaalada Baydhaba oo Xildhibaanada kulanka ku yeesheen ayaa waxa ay ka doodeen doorkooda ku aadan musharaxa bedeli doona Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulankaasi oo iyagu sheegay muhiimadda shirkooda uu u leeyahay isbedelka hoggaanka maamulka K/Galbeed.

Xildhibaanada kulanka ku yeeshay maanta magaalada Baydhaba ayaa si cad u sheegay inay codkooda siinayaan Xuseen Cusmaan Xuseen musharaxa ugu cadcad musharaxiinta isku taagay qabashada xilka madaxweynaha cusub.

Kulanka mudanayaasha baarlamaanka K/Galbeed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ay ku doorteen musharax Xuseen Cusmaan inay ka eegeen dhinacyo kala duwan oo ku aadan doorkiisa hoggaamineed, gaar ahaan dhinacyada aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo howl karnimadiisa marka loo eego xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay.
“Maanta waxaan halkaan u joognaa inaan taageero u muujino musharax Xuseen Cusmaan Xuseen inaan codkeena siino, bacdamaa aan ka soo xulanay musharaxiinta faraha badan ee ku sugan Baydhaba” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xasan.
Waxa uu sheegay in kulankooda uu yimid kaddib daraasad dheer oo ay ku sumeeyeen musharaxiinta dooneysa qabashada xilka madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya, sidaasi darteedna aanay dooneynin inay doortaan musharax horay u fashilmay iyo mid aanay wanaagsaneyn taariikhdiisa dambe.
Sidoo kale Xildhibaan Cibaado Maxamed oo halkaasi khudbad kooban ka jeedisay waxay hoosta la xariiqday in Baarlamaanka K/Galbeed uu maanta heysto fursad ay ku doortaan musharax Xuseen Cusmaan Xuseen si uu dib ugu soo celiyo heykalkii maamul ee uu lumiyay Shariif Xasan Sheekh oo haatan ah K/Simaha madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdiladif Waafow ayaa isna waxa uu sheegay in xaaladda adag ee ka jirta gobolada hoos yimaada maamulka K/Galbeed iyo hoggaan xumida Shariif Xasan ay timid kaddib markii ay doorteen ergooyinka beelaha.

Dhinaca kale doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhaba taariikhda markay tahay 16-ka bisha Novembar ee isla sanadkaan 2018-ka ayaa waxaa ugu cadcad musharax Xuseen Cusmaan Xuseen iyo xubno kale oo ka soo jeeda goboladaasi, iyadoo iminka ay bilowdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo loolan xoogan oo loogu jiro doorashooyinka.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada