| | 299 views

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada oo la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM.

Feysal Cumar Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM, iyo xubno ka tirsan Maamulka G/Banaadir.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya ayaa Saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ah Johnson oo ka tirsan Booliska AMISOM iyo Yoonis Nuur oo ka socda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga hadlay siddii wadajir la isaga kaashan lahaa wacyigelin loo sameeyo ardayda wax ka barata iskuullada gobolka Banaadir islamarkana laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee dhaliya rabshadaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in xubnahan ka socday saraakiisha booliska AMISOM iyo gobolka Banaadir isku afgarteen qodobada ay ka wada hadleen.

Dhanka kale Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka iyadoo Wasiirka Waxbarashada C/lahi Goodax Barre uu maalintii shalay ku dhawaaqay in la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee dalka, si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, loona ogaado tayadooda.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada