| | 354 views

Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada oo ka furmaya magaalada Garoowe.

Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka puntland gaaray inta badan Madaxweynayaasha Maamul-Goboleedyada.

Wafuuda Shirkaasi iska xaadiray waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland oo marti loo yahay islamarkaasna Garowe hore ugu sii sugnaa.

Sawirada boorarka ku dhagan xarunta Shirka ka furmayo ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha sawirka Madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhanka kale saacadaha soo socda ayaa la filayaan inuu shirka Garoowe uga furmo Xubnaha Maamul-Goboleedyada ee halkaasi gaara, iyadoona uu labo jeer dib u dhac uu ku yimid Shirka Golaha iskaashiga.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada