| | 427 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga Degmada Afgooye.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo maleeshiyadaa u qaabilsanaa dhanka sahanka ah, kaasi oo doonayay inuu bixiyo xogaha ciidamada.

“Waxay maanta ciidanka amniga ka soo qabtay nawaaxiga Afgooye, shaqsi sahan u ahaa Al-Shabaab, kaasi oo doonaayay inuu tabiyo xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi waxba kuma noqon. Qabashadan Sarkaalkaan waxay qayb ka tahay nabad ku soo dabaalida caasimadda,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Dhanka kale Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howlaha sugida amniga iyo waliba dabinada loo dhigayo dhaqar-qabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab ee doonaya inay bulshada dhibaateeyaan.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada