| | 405 views

Madaxweyne Gaas oo ciidamada ku amray inay dagaal u diyaar garoobaan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu laamaha ammaanka ku amray inay isku diyaariyaan dagaal looga horjeedo cadowga Puntland, isagoo sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay arrimo kale.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland ee shalay ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Amniga, soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka shir guddoominayay ayaa faray Ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan wax uu ugu yeeray cadaw ka soo horjeeda Nabada Puntland.

 



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada