| | 254 views

Mareykanka oo duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka geystay degaan ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay inuu weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Duqeyntan ayaa la sheegay inay dhacday 12-kii bishan October oo ku beegneyd shalay oo Jimco aheyd.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay inay qiimeynayaan duqeyntaas oo kaliya lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana sanadkan gudihiis uu fuliyay illaa 26 duqeyn oo ahaa weeraro cirka ahaa oo ay fulisay Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Al-Shabaab inta badan wax war ah kama soo saarto duqeymaha is-daba jooga ah ee Mareykanka ka geysto Soomaaliya.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada