| | 236 views

Iran oo lagu eedeeyay inay jabisay cunaqabateynta Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya ee Minitoringa Group ayaa Golaha Ammaanka ee QM u gudbisay warbixin ku aadan in dalka Iran la marsiiyo Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya, taas oo horay loo mamnuucay in la dhoofiyo.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in labo Dekad oo ku yaalla dalka Iran, si xor ah looga dajinayay Dhuxusha laga qaado Soomaaliya, tan iyo Bishii March ee sanadkani.

Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in aqoonsi been abuur ah oo laga sameeyay dalalka Comoros , Ivrey Coast iyo Ghana lagu dhoofiyo Dhuxusha  dhirta laga jaro Soomaaliya.

Hay’adda ayaa ku eedeysay dowladda Iran in ay ku xadgudubtay Cunqabateynta ay Qaramada Midoobay  saartay  dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya sanadkii 2012-kii .

Ugu dambeyn warbixintani ayaa lagu xusay in dalalka kale ee loo dhoofiyo Dhuxusha laga jaro Soomaaliya ay ka midyihiin Imaaraadka iyo Cumaan, kuwaas oo inta badan u istimaalo in lagu shito badeecada loo yaqaano  Shiishada.

QM ayaa ku qiyaastay in 3.6 Million kiish oo Dhuxul ah laga dhoofiyay Soomaaliya , sanadkii hore, taas oo 7.5 Million oo daqli Lacageed ah ay ka heshay Xarakadda Al shabab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada