| | 221 views

Faah faahin ku saabsan qaraxyo goor dhaw ka dhacay magaalada Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ka dhaceen maqribnimadii caawa magaalada, iyadoo qarax hore lagu weeraray hotel lagu magacaabo Bilan.
Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader oo ku taala bartamaha magaalada.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ilaa toban ruux oo dhamaantood shacab ahaa uu ku dhintay qarxa oo hore ee ka dhacay Hotel Bilan oo loo adeegsaday Ban gacmeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana iyaga oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Dhinaca kale ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada ka dhacay magaalada Baydhaba, iyagoona tilmaamay inay la eegteen goob ay fariistaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka goboleedka K/Galbeed Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Magaalada Baydhabo kuma badna qarax-yada, hasse ahaatee dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay weeraro Ismiidaamin ahaa oo galaafta nolasho dad badan oo shacab ah.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada