| | 485 views

14-ka Oktobar: Waa Mudan tahay in loo sameeyo Taallo Murugo oo lagu xasuusto.

Dadkii maalintaa Ku dhintay intii aan is naqiin iyo intii aanan is aqooninba ALLA ha u naxariisto, Aamiin.

Horay waxaan u soo aragnay Taallo la leeyahay waa mid gobanimo ama Geesi, maantana waa taalo Murugo lagu xasuusto.

Waxaa wanaagsaneeyd maanta oo kale in ey muuqato Horuumar laga Sameeyay Dhinaca Nabadgalyada si tii oo kale eynan u soo noqon, Casharna laga dhigto.

Haddii taasi eyna dhicin waxaa dhici karta in Taalada lafteeda Taala kale loo sii dhiso.

Waxaa haboon in aan Agoonta min $1 u aruurino oo wax barashadooda oo kaliya loogu talagalay, si mustaqbalka qooysku u helo Qof wax u bartay, ama dowladu ey kafaala qaado wax barashadooda, Biil hal mar ah wax ma tarayo.

Intii dhimatay ALLA ha u naxariisto. Aamiin

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada