| | 341 views

Imaaraatka oo lagu eedeeyay in hub sharci darro ah ku soo daabulaan dalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen gudiga gaarka ah ee qaabilsan dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa Dowladda Imaaraatka ku eedeeyay inay Soomaaliya soo galinayaan hub sharci darro ah.

Warbixintan ayaa waxaa baahiyay Telefishinka Al-Jasiira ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Imaaraatku ay saldhig ciidan ka dhisayaan magaalada Ber-Bera oo hoos tagta Somaliland,halkaasoo ay si joogto ah u keenaan hub fara badan oo lagu keeno si aan Shariga waafaqsanayn.

Guddiga warbixintaan qoray ayaa sheegay in iyadoo ay Soomaaliya saaran tahay cuna qabatayn uu Golaha ammaanku saaray sanadkii 1991-dii, in dawlada Imaaraatku ku xad gudbayaan cunaqabatayntaas.

Hubkaan ayaan la sheegin kooxda la siiyo, hase yeeshee waxay u badan tahay in Imaaraatku doonayo inuu kaga duulo dalka Yemen oo ciidamo ka joogaan tan iyo sanadkii 2015-tii.

Guddigaa dabagalka cunaqanataynta hubka ee Soomaaliya saaran waxay sheegeen in madaxda Somaliland oo wax laga weydiiyay saldhiga ciidan ee Berbera laga dhisayo ay diideen inay jawaabo lagu qanco baxyaan.

Xukuumadda Imaaraatka ayaa arrimaha la xariira saldhiga Berbera waxay jawaabtoodu noqotay inay heshiis dhameystiran la galeen madaxda maamulka Somaliland oo u madax banaan inay heshiiyo gali karaan.

Haweenayda Danjiraha Imaaraatka u fadhisa QM ee la yiraahdo Lana Nusayba oo iyana eedenta wax laga weydiiyay way diiday inay ka jawaab celiso sababtana waxay ku sheegtay in warbixintu daabacnayn.

“Dawladda Imaaraatku waa ay ogtahay sharciyadda golaha amaanka iyo wadamada ay cunaqabataynadu saaran yihiin waxaana diyaar u nahay inaa la shaqayno gudda qaabilsan dabagalka’ ayay si kooban u tiri danjire Lana.

Guddiga dabagalka cunaqabataynta saaran Soomaaliya warbixintaan ay ku eedeynayaan dawlada Imaaraatka waxay ku sheegeen in bishii September ee sanadkii hore xeebaha Soomaaliya lagu qabtay doon hub waday oo ka timid dalka Yemen Soomaaliyana kusoo socotay,

Hubkaas waxaa ay guddigu sheegeen inay qabteen ciidamadda maamul goboleedka Puntland sida guddigu sheegeena hubkaas waxaa lagu farsameeyay Shiinaha.

Shiinuhuna way iska diiday inay hub ay ogtahay ay Soomaaliya u soo dirtay, laakiin warbixin laga helay dawlada Serbiya ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay kun qori oo ka mid ah ay ka iibiyeen dawladda Imaaraatka laba sanno ka hor 2016.

Dhanka kale Imaraatka dhawr mar ayay guddigaan ku eedeeyeen inay ku xadgudubtay cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran, hase ahaatee xukuumadda Imaaraatka ayaa ku adkaysanaysa inay maalgashi ku samaysanayso dekadda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada