| | 535 views

Soomaaliyay: Wixii wanaaga hala taageero!!!.

Dowlada hoose ee Xamar hadey bilaawday dhireynta magaalada,waa Qayb ka mid ah shaqada wanaagsan oo looga baahnaa. shaqooyinka kale oo ey dayaceenna Alla ha tuso….Annaguna aan ku daysano oo aan dhireyno dalka oo dhan,

dhirta qaar in aan la jarin waa waajib diini ah, Xasuuso xadiithkii macnahiisu ahaa:( Qofkii jara Geed ku yaal dhul banaan oo masaafurku harsado,madaxiisaa ALLA ku ridaa Naarta).

kii geed talaalana inta harsato ayaa u duceysa.

Tan kale waa iga su’aale ,Go’aanka lagu mamnuucayo in Bajaj dekada laga soo dejiyo ee maamulka G/Banadir uu wareegto ku soo saaray, waa sidee? wixii baahida magaalada ka badan waa la joojin karaa.Laakin in la yiraa Dekada lagama soo dejin karo waxaan ka sugeeynay wasaaradaha Gadiidka & wasaaradda Gancsiga.

Bajaajyada qaar ayaa Goblada loo sii iib geeyaa, Dowlada Hoose waxay dhihi kartaa oo kaliya wixii intaa ka badan Shati ay Xamar uga shaqeystaan ma siineyno. sidaasey ila tahay!!.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada