| | 438 views

France Football oo soo saaray Liiska 30-Ciyaaryahan ee u tartamaya Abaal Marinta Ballon D’Or iyo Magacyadooda. 

Wargayska caanka ah ee France Football ayaa ugu danbayn si rasmi ah u dhamaystirtay liiska 30 ka xidig ee sanadkan 2018 ku tartami doona abaal marinta qaaliga ah ee Ballon Dor taas oo ay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay ku soo tartamayeen isla markaana ku soo guulaysteen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahan Luka Modric oo soo gaba gabeeyay kootadii Ronaldo iyo Messi ee abaal marinta The Best ayaa markale ka mid ah musharxiinta France Football ay liiskan ku soo saareen balse xidigihii koobka aduunka ku soo guulaystay ee xulka qaranka France ayaa rajaynaya in ay saxaafada codbixinta samayn doonta ka heli doonaan wax ka duwan abaal marintii FIFA ee The Best oo ay xataa saddexda xidig ee ugu sareeya ku soo bixi waayeen.

Kadib markii ay maanta oo dhan France Football hadba shan ciyaartoy shaacinaysay waxay hadda soo gaba gabaysay baahinta musharixiinta 30ka xidig ee codbixinta abaal marinta Ballon D’or ka qayb gali doona.

Haddaba waa kuwaan liiska 30ka xidigaha u tartamaya abaal marinta Ballon Or:
1-Sergio Aguero (Man City/Argentina)

2-Alisson Becker (Liverpool/Brazil)

3-Gareth Bale (Real Madrid/Wales)

4-Karim Benzema (Real Madrid/France)

5-Edinson Cavani (PSG/Uruguay)

6- Cristiano Ronaldo (Juventus/Portugal)

7-Kevin De Bruyne (Man City/Belgium)

8-Roberto Firmino (Liverpool/Brazil)

9-Diego Godin (Atletico Madrid/ Uruguay)

10-Thibaut Courtois (Real Madrid/Belgium)

11-Antoine Griezmann (Atletico Madrid /France)

12-Eden Hazard (Chelsea/Belgium)

13-Isco (Real Madrid/Spain)

14-Harry Kane (Tottenham/Egland)

15- N’Golo Kante (Chelsea/France)

16-Sadio Mane (Senegal/Liverpool)

17- Kylian Mbappe (PSG/France)

18-Hugo Lloris (Tottenham/France)

19- Marcelo (Real Madrid/Brazil)

20-Mario Mandzukic (Croatia)

21- Lionel Messi (Barcelona/Argentina)

22-Neymar Jr (PSG/Brazil)

23- Jan Oblak (Atletico Madrid/Slovenia)

24-Luka Modric (Real Madrid/Croatia)

25-Paul Pogba (Man United/France)

26-Ivan Rakitic (Barcelona/Croatia)

27-Sergio Ramos (Real Madrid/Spain)

28-Mohamed Salah (Liverpool/Masar)

29-Luis Suarez (Barcelona/uruguay)

30-Raphael Varane (Real Madrid/France)



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada