| | 407 views

Kooxda Arsenal oo 5-1 ugu adkaatay Kooxda Fulham

Arsenal ayaa gaartay guushii ugu weyneed tan iyo bilowga fasal ciyaareedkaan kulamada horyaalka kadib markii ay 5-1 ku dileen Fulham kulan ka dhacay garoonka Craven Cottage, waxeyna aheyd ciyaar aad u xiiso badan oo uu isbadal kusoo kordhiyay Aaron Ramsey.

Wweeraryahanada Alexandre Lacazette iyo Aubemeyang ayaa min laba gool shabaqa soo taabsiiyay iyadoo xiddiga rer Gabon uu badal kusoo galay ciyaarta qeybta labaad ee ciyaarta, sidoo kale Aaron Ramsey ayaa shabaqa soo taabtay sidoo kalana gool caawiye ka noqday.

Dhanka kale waxa bandhiga kulankan ee Gunners soo af-meeray weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang kaas goolkiisii labaad iyo midkii 5-aad ee Arsenal shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 91-aad ee kulankan..



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada