| | 259 views

Man United oo guul cajiib ah ka gaartay Newcastle xilli, 2 gool kaga hormartay

Alex Sanches oo badal kusoo galay ayaa Manchester United ka caawiyay in aysameeyaan sookabasho wanaagsan taasoo culayska ka yarayneysa Jose Mourinho.

Newcastle oo marti ku ahayd ayaa 2 gool kala hormartay kooxda United oo aan garoonkeeda wax guul ah ku gaarin xilli ciyaareedkan isla markaana ay u dheereed cadaadis xooggan oo tababare Jose Mourinho saarnaa, waxana goolasha oo dhashay 10-ki daqiiqo ee ugu horeeyay u kala dhaliyay Kenedy iyo Yoshinori Muto, waxaan aqaybta hore lagu kala nastay 2-0.

Marki laysku soo laabtay United ayaa bandhigdhiiranaan ah lasoo laabatay waxaana daqiiqadi 70 iyo 76 u kala dhaliyay Mata iyo Martial, waxaana goolka saddaxaad daqiiqadi 90 u saxiixay Alexs Sanches oo bdal kusoo galay daqiiqadi 69 ee ciyaarta.

Waa guushi u horaysay oo ay Man United xilli ciyaareedkan ku gaarto garoonkeeda old Traford, waxayna sidaasi culayska uga yareyneysaa Tababare Jose Mourinho oo aad lo hadal hayay in natiijada kulankan ay ku xernayd shaqadiisa Macalllimo



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada