| | 412 views

UEFA Europa League: Arsenal oo Guul Gaartay iyo AC Milan oo iyana Guul Muhiim ah gaartay.

Arsenal ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Qarabag kulankii labaad ee UEFA Europa League heerkiisa Groupyada waxayna Gunners ku sii dhawaanaysaa in ay xili horeba u soo baxdo wareega xidiga ee tartankan laakiin AC Milan ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaadhay Olympiacos.

Arsenal ayaa goolka furitaanka ee ay xaalada xun ugu abuurtay Qarabag waxay heshay daqiiqadii 4 aad ee bilawgii ciyaartaba waxaana goolkan u saxiixay difaaca Sokratis Papastathopoulos wuxuuna goolkani ahaa kan labada kooxood kala saarayay waqtigii nashada ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin da’yarka E. Smith Rowe ayaa Arsenal u keenay goolka labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay isla markaana ay xaalada xun ugu abuurtay kooxda martida loo ahaa ee Qarabag wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.

Laakiin daqiiqadii 79 aad Arsenal ayaa isku hubsatay guusha ay ka soo gaadhay Qarabag waxaana goolka saddexaad u dhaliyay M. Guendouzi kaas oo ciyaarta ku soo xidhay 3-0 ay Gunners ku soo dubatay Qarabag waxayna hadda Arsenal heshay guusheedii labaad ee Europa League iyada oo guulaha xidhiidhka ah ee tartamada oo dhan halkeeda ka sii wadatay. 

Dhinaca kale kooxda AC Milan ayaa si cajiib ah uga soo kabsatay Olympiacos oo daqiiqadii 14 aad ee bilawgii kulankan gool ku hormartay kaas oo uu dhaliyay Guerrero waxayna Olympiacos hogaanka ciyaarta 1-0 ku haysay qaybtii hore ee kulankan.

Laakiin AC Milan ayaa wacdaro layaableh la soo baxday qaybtii labaad waxaana goolka barbaraha ee ay ku soo laabteen u keenay Cutrone kaas oo daqiiqadii 70 aad ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Balse daqiiqadii 76 aad Gonzalo Higuain ayaa AC Milan u dhaliyay goolka ay gabi ahaanba dhinaca kale ugu dhigeen natiijada ciyaarta ee ay lix daqiiqo ka hor guuldarada ugu jireen wuxuuna ciyaarta u badalay 2-1 ay Milan hogaanka ku heshay.

Laakiin waxaa AC Milan guusha u xaqiijiyay Patrick kaas oo goolka saddexaad ee Milan dhaliyay daqiiqadii 79 aad waxayna taasi la micno tahay in sagaal daqiiqo gudahood ay Milan dhalisay saddexda gool si ay layaab u muujiso.

Natiijooyinka Kulamadii Europa League Ee La Ciyaaray:

Bayer Leverkusen 4 – 2 AEK Larnaca

FC Zuerich 1 – 0 Ludogorets Razgrad

Rosenborg 1 – 3 RB Leipzig

Salzburg 3 – 1 Celtic

Bordeaux 1 – 2 FC Koebenhavn

Zenit St. Petersburg 1 – 0 Slavia Prague

Anderlecht 0 – 2 Dinamo Zagreb

Fenerbahce 2 – 0 Spartak Trnava

Qarabag FK 0 – 3 Arsenal

Vorskla 1 – 2 Sporting CP

AC Milan 3 – 1 Olympiacos

Real Betis 3 – 0 F91 Dudelange



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada