| | 934 views

Wax ka baro Muuqaalka Qaar ka mid ah Culumadii Suufiyada.

Wadankan Somaliya waxaa jiri jiray Culumaa’udiin loo yaqiin Suufiya ama Ahlu dariiqa, oo Muddo dheer Diinta Islaamka ku fidinayay Cirifyada Dalka, waqti ay adkayd si loo helo Arday wax la baro, mana jirin Madbacado kutubta lagu daabaco, Farsamada Casirga ah ee Codka lagu duubo la isaguna Gudbiyana ma jirin .

Culumadaa oo muddan in wax laga qoro, Taariikhdii adkayd oo ay soo mareen iyo Xarumahoodii Harar, Baar dheere, Saylac, Xamar, Warshiikh, Baraawe iyo magaalooyin kale oo badan.
Imma suura galin in aan wada helo Sawiradooda, iimana wada qaadayo attch-ka FB oo aanan ka aqoon wax badan. Intii aan heli karay ee aan soo Attach-garey karay waan idiin soo Gudbiyay. Culumadaa qaarkood waqtigoodii maba jirin Sawir la qaadi karay, Qaar ayaa weli nool oo ku howlan Fidinta Diinta islaamka.

Iima suura galeyso in aan soo wada Gudbiyo Sawirada Culumada Suufiyada, adiguba kuwii aad heli karto ku dar. (waa jiraan Culumo kale oo aan suufiya ahayn oo iyaguna diinta ku Fidiya dalka).
Kuwa aan Sawiradooda helay waxaa ka mid ah:

1-Sh.Maxamed Xassan Barkaan. 2- Sh.Muxudiin Celi. 3-Sh. Cumar sheekh. 4-Sh. Axmed Gaballe. 5- Sh. Maxamed Farax. 6-Sh. Cabdullahi Qudubi. 7-Sh. Maxamed Sh. Cali Maye. 8-Sh. Cabdi ow Cumar. 9-Sh. Ooyaaye.

10- Sh. Ibrahim yare. 11-Sh. Cumar Sh. Daa’uud. 12-Sh. Cali Cabdulle. 13- Sh. Abba Axmed. 14-Sh. Saciid Sh. Ibrahim. 15-Sh.Maxamed Rabici. 16- Macaalin Nur Maxamed & Sh.Osman Xiddig. 17- Sheekh Caamir Sh. Ibrahim. 18- Sh. Maxamud Ow Cabdulle Cariif. 19-Macallim Cabdullahi Joqof.

20-Macallim Cabdikarim Sheikh. 21-Sh. Yuusuf Direed. 22-Sh. AbukarMacaallim. 23-Sh. Axmed Sufi. 24-Abba Sh. Cali. 25-Macallim Maxamuud. 26-Sh. Cabdullahi Casir. 27-Sh. Cali Cambar. 28-Sh. Cali Casir. 29- Sh. Dahir Sh. Cumar.

30-Sh. Maxamed Gariire. 31-Sh. Maxamud Sh. Muse Cigale. 32- Sh. Xussen Cade. 33-Sh. Muxyadin Sh. Aweys Al-qaadiriya. 34-Sh. Shariif Sh. Muxyadiin. 35-Sh. Mukhtaar Sh. Maxamed Sh. Cali Maye. 36- Xaaji Maxamud Abgaaloow. 27- Sh. Xassan Yusuf. 38 – Xaaji Muxumad. 39– Sh. Muxumad Sh. Cabdi ow Cumar. ..

((Waxay isgu xigaan sawiradu sida numbaradu isagu xigaan)).

FG: wixii iga khaldan ka sax, adiguna waad sameyn kartaa Cilmi baaris madax banaan wixii ka soo baxana nala wadaag.

FG: Inta aan soo qoray magacyadooda waa inta Sawiradooda aan hayay oo kaliya, si adiguna aad iigu darto inta Sawiradooda aan waayay.

FG : Sawirada qaar iyo magacyada ayaa iskaga key khaldamay, farsama xumo.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada