| | 517 views

Madaxweyne Farmaajo oo koobka gudoonsiiyay Ciyaartoyda Waaberi oo iyagu ka adkaaday Degmada Shibis +Sawirro.

Degmada Waaberi ayaa Xalay sanadkii labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobalka Benaadir, kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Degmada Shibis oo ay Finalkii wada ciyaarayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Ciyaartoyda degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Taageerayaal aad u fara badan ayaa u gurbaan tumayay Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaaday Hodan xalayna Shibis ayay ka qaadeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyay koobka Degmooyianka Sanadkaan, iyadoo madax fara badan ay daawashada ciyaartaasi ka soo qaybgaleen.

Md. Farmaajo ayaa ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen inay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweynaha ayaa shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1-0 kaga guuleysteen Ciyaartoyda degmada Shibis.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada