| | 458 views

Maqaal Xiiso leh: Free madaxweyne Famoojo

Waa in xoriyadiisa Madaxweyne loo ogolaadaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo laga xoreeyee Kooxda Xooga ku haysata.

Dalku wuxuu ku jiraa xil adag oo loo baahan yahay Go’aan sax ah oo Madaxweyne, waxaa dareen sanahay in madaxweyne farmaajo koox dhalin yaro ah oo aan aqoon lahay oo dhaqan dawladnimo hore u arag inay La taliyaal looga dhigay. arinkaa wuxuu wax garadka soomaaliyeed ku beeray walaac iyo shaki

Waxaa timid in su’aal la iska waydiiyo
awoodiisii Madaxweyne farmaajo ee dastuuriga ah. waa in Golayaasha sharcidajintu bilaabaan Mooshinka ah Free Farmaajo.

Dhaqanka Dawladnimo ee aduunka aan ku nool yahay Madaxweyne kasta inta uu xilka hayo wuxuu ka hadlaa xaaladaha siyaasadeed ee dalkiisa marka shacabku ubaahdaan inay ogaadaan Go’aanka ama Rayiga Madaweynaha

Free Farmaajo xaaladaha uu ka aamusay!

1. Dhacdooyinka waa weyn ee uusan ka hadlin Madaxweynaha

2. Afduubkii Qalbi Dhagax.

3. Weearkii Maatada lagu laayay ee Bariire.

4. Weerarkii Siyaasiga A A Warsame

5. Maxaa keenay xilka qaadida Guddoomiye Jawaari.

6. Weerarkii Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda.

7. Dhacdooyinka xanuunka badan ee maalmahaan ka dhacaya Muqdisho.

8. Qalaasaha Siyaasadda arimaha dibadda iyo khilaafka Dowlad gobakeedyada.

9. Fashilaada ku timid dagaalka alshabaab lagu qaado.

10. Xilka qaadida Gudoomiyaha maxkadasare iyo Qofka lagu badalay sida sharciga ah ee lagu magacaabay.

11. Xaqiraada iyo joojinta wadahadalada somalia iyo somaliland.

12. Dilki wasiir cabaas oo ahaa dil siyaasdeed. in loo aqoonsado.

Si madaxweyne farmaajo u dareemo in masuuliyad ka saaran tahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalku ku jiro. Inuu ka aamuso waa in lahelaa free farmaajo.

Shacabka soomaaliyeed waxaa shaki kaga jiraa Madaxweyne Farmoojo sow ma’ ahayn madaxweynihii shacabka Goormaa xoriyadiisii Madaxweyne laga qaatay, aaway Balamadii uu shacabka laga lay yaa hortaagan su’aalahaa iyo kuwa badan waxay keenee in la is waydiiyo.

Madaxweynaha ee xilka uu hayo ee dasruuriga ah maku shaqey karaa. Kooxda ku haysata xilkiisa Madaxweyne in tisoos ah loola hadlo Madaxwyne Farmaajo in isagu xilkas soo doontey balanqaadey inuu shacabka soomaaliyeed ku hogaamin doono wado dib u heshiin iyo dhisida Qaran soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu hore u sheegay intii uu taageerada shacabka uga adkaan doono Al-Shabaab.

Arinkaa teegeerada shacabka xagee martay yaa Fashiliyey xiriirkii madaxweye farmaajo iyo shacabkiisa.?
Khaladaadka siyaasadeed ee Awoodiisa lagu sameenayo maxaa keenay.

Madaxwene Farmaajo wuxuu malanqaadey inuu dhisidoono ciidan sirdoon oo awood leh

Iska dhaaf ii dan sirdoon ee uu dhiso kuwii hore u jiray ayaaba la bur buriye. Xaruntii NISA ayaa la jabsadey. Wali arinkaa Madaxweynuhu ka ma hadlin.

Madaxweyne farmaajo wuxuu balanqaadey.

In dadka ay dilaan Al-shabaab mag dhaw laga bixinayo mag dhaw la siiya iska daaye Tacsi in dawladiisu tacsi u dirto ayey diiday.

Fadeexadii muwaadin Qalbi dhagax oo aan xidna maxkamad loo keeni.

Khaladaadka siyaasadeed ee lagu sameynayo magac madaxweyne Farmoojo lama soo koobi karo muda 1sano iyo lixbilood waa in shacabku waxa iska waydiiyaan hogaanka Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasada dalka ayaa iminka ah mid cakiran, iyadoo aan la saadaalin karin, sida hadda waxa u socdaan, marka loo eego guuxa Baarlamaanka ka jira, maamul goboleedyada oo haki galiyey wada shaqeynta Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada Xukumada Raysal wasaare khayre oo joojisay wada shaqeyn tii Golayaasha sharciga wadanku wuxuu u baahan yahay siyaasad ah Free madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne awoodleh.

Waxaa Falanqeyntan kooban isku waydiiyay waxaa shaki shacabka kaga jirta xoriyada Madaxweynaha Go’aanada uu gaari karo.

Free Farmaajo

Qore Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail.com



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada