| | 1,709 views

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada

Kulan wanaagsan saaxiibayaal ku soo dhawaada barnaamij wareysi ah oo ay ka qeyb galaayaa 3 dhalinyaro oo dhawaan ku guuleysatay tartarkii doorashada ee ka dhacday wadanka Sweden oo ay ku tartamaayeen xisbiyadda kala duwan ee waddanka Sweden.

Wareysiga barnaamijka siyaasadda ee Radio Somaliweyn ee magaalada Göteborg ee dalka Sweden waxaa khadka telefanka marti noogu ah sadax xidhibaan oo kala ah.

  1. Ikram Mohamoud oo ka socota xisbiga miljöpartiet-ka ee magaalada Trollhättan (xisbiga cagaaran) oo ay ku guuleysatay iney noqoto xildhibaanka golaha degaanka ee degmadda Trollhättan.
  2. Ahmed Kaboole oo ka socda xisbiga miljöpartiet-ka ee magaalada Stockholm (xisbiga cagaaran) oo asagane ku guuleysatay inuu noqdo xildhibaanka golaha degaanka ee degmadda Stockholm.
  3. Abdullahi Momahed oo ka socda xisbiga miljöpartiet-ka ee magaalada Göteborg (xisbiga cagaaran) oo asagane ku guuleysatay inuu noqdo xildhibaanka golaha degaanka ee degmadda Göteborg.

Dooda barnaamijka siyaasadda ee Radio Somaliweyn waxaa inoo soo diyaariyey isla markaasina noo daadihinaaya wariye Yoonis Khaliif.’

 





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada