| | 255 views

Gaalkacyo: Wariye Loo Geystay Dil Loo Adeegsaday Toorreey

Waxaa xalay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo ka howlgeli jiray Idaacadda Codka Nabada oo ku taalla Magalada Gaalkacyo.
Dhaawac ka soo agarey tooreey oo ay ku dhufteen kooxo dhalinyaro ah xilli uu ka soo baxay Shaqadiisa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday Wariyaha.

Ilaa iyo.hadda lama oga sababata ka dambeysay dilka saxafigaas balse kooxihii dilka geystay ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Wariyaha laga qaatay qalab uu watay,sida Computer Labtob ah iyo Kaamiro.

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug ayaa uga tacsayadeeyey Ehelada iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Wariye Wariye C/risaaq Siciid Cismaan,waxana Madaxda Puntland ay ugu baaqeen inay cadaalada hor-keenaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada