| | 546 views

ODAY, DHANAANKA DHAAF!!! (Maqaal Maad Xaambrsan).

Beryahaan waxaa soo batay odayaal waayeel ah oo Soomaaliya Guursanayana gabdho ay awoowayaal u noqon karaan (Haddiba ay xalaal ku guursanayaan waxay dhaamaan, kuwa Hotelada qaar iyo kuwa Xagaay baxa oo Guur la’aan dhanaansada)

Oday dhanaansadoow haddii aad guursaneyso waa kuu banantahay laakin Barha bulshada ha ku xayeysiin. Hana hilmaamin Masuuliyada bulshada kaa saran, da’dii aad wiilkaaga u guurin laheyd adigu ha guursan. Aan isku ogolaano da’yarto in ay is guursadaan (F.S: 1 aad) Ma jecli in aan soo qaato sawirada Odayaasha somalida Reer Dhanaansade, taa adinkaan idiin dhaafay.

Waa jiri jirtay miyaga iyada oo hab dhaqan la xushmeyo lana ogyahay dhaqankaa ayey aheyd, waxa eyna u badneed Dumaal iyo dhaqan toosin guur ah, tira ahaana ma badneyn. Laakin hadda farihii ayey ka baxday iyada oo looga daysanayo Caalamka kale oo beryahan uu ku soo batay Saqiira suujisku Afrika, Reer Galbeed iyo Aasiyaba F.S: ( 2-18aad).

Haddii aad i leedahay waa sunnadii Rasuulkeena SCW, xaasaskii Rasuulku SCW waxa ey dhinteen iyga oo da’ ah. Fiiri qaar ka mid ahi da’da ay ku dhinteen: Caaisha bintu Abibakar = 73. Xafsa bintu omar = 59. Juweyriya bintul xarith = 65. khadija bintu khuweylid = 65. Hinda bintu ummiya = 100. Ramla bintu abii sufyaan = 77. Safiya = 60. Zaynab bintu jaxash = 51.

Cumrigaagu meel uu gaarayo Alla og, waxa ey sugee gabddha aad adigu ka dhanaansatay iyada oo ah garoob da’yar in ey agoon koriso. Ama waad ka dhanasanee kadibna degdeg ayaad u furee, illeyn isma keeni kartiin dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba. Isaga oo aan masuuliyad iska saareyn oo leh bahda weyn caruurteeda ayaa korinaya. Haddii Sunnada Rasuulka aad raaceysid, Rasuulku SCW weligii lama Guursan Xaaska weyn Khadija RC, 25sanno ayuu kaligeed qabay illaa ey ka geeriyootayna lama guursan, adigu Xaaska weeyn meeqaad la guursatay iyada oo weli nool?.

Inksta oo Rasuulku SWC uu Guursaday Gabdho Bikra ah, haddana xaasaskii uu guursaday badankoodu waxa ay ahaayeen Garoobo qaar la soo furay 2 mar sida Safiya, Seynabna 5 mar ayaa la soo furay, Qaarkood ayaaba aad uga da’weynaa Rasuulka SCW. Khadijo waxa ay ahey 40 jir, Suweydana 55 jir markii uu guursanayay.

Danaansadoow weli ma guursatay naag kaa da’weyn, Haddii aad sunna raac tahay meeqa garoob ayaad guurisay si aad caruurta agoonta ah ula koriso. Inta kuu dhiman ma taqaanid Cumrigaaga ,fiiri sannadihii uu la noolaa Nabigeena Muxamed SWC xaasaskiisa waxa ay u dhexeeyaan 1-25 sanno. Qaar ayuu qabay 1, 2, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 9, 11, 25 sanno.

Calaf Alla qoray waa halkiisa lama bedeli karo. laakin dad aan weydiiyay sababta, waxa ey igu yiraahdeen,: waa dhanaansi, la mid ah sida Carabtu u galeen saqiiradii Dagaalkii Dalka Suuriya ka soo qaxay. Ama Lacag doon ( Dollar & Dahabaan kuu gadaa). Ama Been loo sheego Gabadha (dibadaan kuu wadaa, Guri ayaan kugu qoraa). Ama faqri ayaa looga faa’iideeysanayaa. Ama Gabadha waalidkeed ayaaba bixinaya oo dan ama damac kale uu ku khasbay. Ama dhalin yaradii oo aan awoodin guur dhaqaale ahaan. Ama Aqoon la’aan. Ama Buufis kalaa ku jiro. Dadka qaar ayaa leh waa Gudniinkii fircooniga oo laga tagay , mar uun i meeleey. Ama Kaniiniga Vegra oo odayaashu jug ka raadinayaa.

Mid ey noqotaba ma ahan wax la soo dhaweyn karo dhanaansigu, Odaygii Dhanaansade xatta mid Saqiira kuma ekaanayo waxa uu raadinayaa Biis, waxa uuba ka maseeyrsiinayaa odayaal kale oo ku daysanayo markuu u amaano dhanaansiga casriga ah. (Sawirada Reer dhanansadaha somalida adinkaan idiin dhaaday).

Waxa igu khasbayo qoraalka Maqaalkan, waxaan Fiiriyay: 1- Danta Oday dhanaansade badaana ma ahan Masuuliyad guur, Qaar waa dhici kartaa. 2- G….kaagu 20 jir kuguma ceebeeyn ee adiguna 60 jir haku ceebeeyn. 3- waxaan ahay Aabe 7 gabdhood dhalay, Alla ha ii dhowro, Oday dhanaansadena Alla haka najeeyo.

FG: Oday dhanaansade ha iga Caroon, Odayaashu dhanaansi uma wada guursan waan ogahay, Xaqa Xaaska weyn hala dhowro. Wixii aan khalday iga sax wixii aan ka tagayna adigaan kuu dhaafay.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada