| | 635 views

Maxaa ka taqaanaa Taariikh nonoleedka fanaanada weyn ee Hibo-Nuura?

Bilawgii kontankii ayay ku dhalatay Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Magaalada Boorama ayay timid iyadoo da’deedu yar tahay. Halkaas bay waxbarashada malcaamadda iyo dugsiga hoose dhexe ba ku qaadatay.

Hargeysa ayay judhiiba timid fankana ka bilowday. Firfircooni iyo fahan wanaag ayay fanka la soo gashay. Markii ba Maxamed Cumar Huryo AUN ayaa heesteedii koobaad u dhiibey. Laxankana waxaa ugu ladhay Maxamed Cige oo loo garan ogaa ‘ILBIR’. Waa ta iyaduna codkii ku biirisey iyadoo leh:

“Naf jacayl haleelay
Hawl waayi maysee….”!

Waxay ku noqotay heestaas fannaanad la aqoonsaday. Iyadoo heestaas oo qudha leh; ayaa Axmed Saleebaan Bidde isna hees kale u dhiibey. Heestaa markii hore wuxuu rabay abwaanku inuu Shamis Abokor oo ku magac dheerayd (Guduudo Carwo ) u dhiibo AUN. Waayo, heesta ayaa dareen gooni ah abwaanka u lahayd. Cid ka soo bixi karta oo si fiican loo yaqaan ayuu la rabay. Se Guduudo Carwo iyo Baxsan ayaa ka cudurdaartay kana codsaday abwaanka inuu u dhiibo inanta; si ay ugu soo baxdo. Isaga oo ka werwersan iney sidii loo baahnaa u qaadi karto; ayuu u dhiibey heestii. Waa ka soo dhalaashay tijaabadii xaqiiqdii. Waxay noqotey heestii loogu jeclaa wakhtigaas. Illaa haddana ma duugoobin oo waa sideedii. Laxanka waxaa u sameeyay Ismaaciil Yare AUN. Iyaduna cod dananaaya oo diiqadda kaa saaraaya ayay ku sidigtay; ereyo laab wax jecel ka soo go’ay.

Waxayna tidhi;

“…Waadigan se liitee,
Leexdu ku sidatee
Hadba laan cuksanayee..”!

Qoftaas wada garate ayaan filayaa. Waa fannaanadii keligeed waddaniga ahayd. Waa Hibo Maxamed Huddoon oo wakhti danbe uu weriye Cawke AUN u gu biiriyey magaceedii Hibo, naannaysta ah; “Nuura.”‘!

Intaas kadib riwayaddii Shabeel Naagood ayay aktarad ka noqotey oo waxaa loo bixiyey;” Xiddigtii Shabeel Naagood”! Xaggaas ayay ka sii wadday uun badweyn faneed oo illaa wakhti dhawaa taxnaa.

Waxyaalaha aan ku xasuusanno waxaa ka mid ah; dagaalkii 1977-kii codkeeda ayaa ciidanka iyo shacbiguba ku dagaal galay. Iyada iyo Tubeec ayaa wehel u ahaa. Waa kuwii lahaa iyagoo darrandoorrinaaya:

“Geesiga dhulkiisa
Guusha u horseeda
Geeridii dishaa
Geedkaa ha ba’o…”!

Riwaayado badan ayay ka qayb qaadatay. Heeso badan ayay codkeeda noogu soo gudbisey. Heesaha, kuwa waddaniga ah iyo kuwa jacaylka ah ayay ku badnayd.

Riwaayadahana xagga dhaqanka, hiddaha iyo asluub wanaagga ayay u janjeedhay mar walba. Qabiilku lamuu weynayne; qarannimada ayaa la weynayd Hibo. Illaa hadda waa sidaas. Meel sare ayay taagan tahay. Waxay taagan tahay; ‘Afrikaannimo’ kadib ‘Soomaalinnimo.’

Xilligii dalku burburey, qof weliba waa kii meel u cararay. Xaggaas iyo qurbaha ayay qabatay iyadu. Dad badan ayay iska heleen oo Abwaan Singub ka mid yahay. Dalkoodii iyo qaaraddoodii ayay u boholyoobeen. Dabadeed intan ayay iska soo horreysiiyeen intii aaney innagu soo noqon oo aaney innoo iman. Waxay inna dhaheen:

“..Afriki waa dhulkaygii
Aan ku dhashay
Afriki waa dhulkaygii
Waan ku dhaqan
Afriki waa dhulkaygii
Waan ku dhiman
Afriki waa dhulkaygii
Waan ku dhaadanayaa…”!

Kama gayoon karno xusuusihii faneed ee Hibo-Nuura. Se intani waxay iga tahay uun xusuusin kooban oo aan ku xasuustay sawirkan qurxoon oo aan ka helay Faysbuugga.

Ilaahay cimiriga iyo caqligaba haw barakeeyo Hibo-Nuura. Bal adna?



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*