| | 378 views

MAQAAL: KA DAROO DIBI DHAL

Mushkiladda ugu wayn ee hor-taagnayd sharafka iyo dowladimadda Soomaaliya waxay ahay faragelin shisheeye, tasoo inta badan shacabkeena ay dhibsadeen faragelintaaas joogtadda ee lagu haayay dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta ayaan daro ku ah dalka Soomaaliya iyo shacabkiisa inaan aragno rag sheeganaayo masuuliyiin oo sharuuda ku xiray wada hadalka dowladda Federaalka oo leh ” Waa inay ajanabi nasoo dhex galaan” Arintaan waxay ka marqaati kaceeysaa markale in ragaan ay qatar ku yihiin madaxbanaanidda dalka Soomaalia ( sovereign nation).

Michael Keaton, qudbadiisa shalay uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay, wuxuu ku amaanay Soomaaliya inay dib u soo ceshatay madaxbanaanideeda.

Waxaan ku qasabanahay hadaan nahay Soomaali inaan barano sidaan arimaheena gaarka ah aan xal uga gaari lahaayeen, waayo ma ajanabi baa markasta ina dhex joogi doono, waa maya, mase og yihiin in shacuubta aduunka ay u dhintaan inaysan ajanabi soo fara gashanin arimaha dalkooda, waayo waxay og yihiin mar hadii hoos laguu soo galo inay Qatar ku jirto madaxbabaanidaada.

Horaa loo tiri “ ceeb looma dhinto”

Sheikhnor  Abocar Qassim



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada