| | 437 views

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabaya dhismaha warshad muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed “Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi ayaa Waxay Kormeereen Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iska xil saari doonto dhismaha Warshadan,mudada sanadkaan ka harsan la soo gaba gabeyn doono.

Dhismaha Warshadan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ka gacansiin doona Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga .

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga lagu wareejiyay qalabka Warshadan.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*