| | 280 views

Shangaani oo tareennka ka tuurtay Howl-Wadaag una soo gudubtay wareeggga 4-dhamaadka+Sawirro

Degmada Shangaani ayaa iska xaadirisay nus-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay degmada Howl-wadaag.

Shangaani oo kaalinta labaad kaga soo baxday Group A ayaa garoonka Banaadir kulan adag kula qaadatay degmada Howl-wadaag oo kaalinta koowaad uga soo baxday Group C, waxaana daqiiqadi 8-aad How-lwadaag hogaanka u dhiibay kabtankooda No-22 u sita Yuusuf Xasan Barrow waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0.

Marki Layksu soo laabtay Degmada Kabtanka shangaani Cabdirisaaq Maxamed Axmed ayaa u jawaabay kabtanka Howl-wadaag waxuuna gool u badalay Rigooro loo dhigay daqiiqadi 65.

Labada koox ayaa abuuray fursado goolal loo filan karay basle midkoodna kuma guulaysan inuu ka miro dhaliyo waxaana waqtigii loogu talo galay ciyaarta kusoo idlaatay 1-1.

How-l wadaag oo tuurashada ku horaysay ayaa dhalisay 3 kamid ah shantii tuurasho oo ay xaqa u lahayd halka ay labada kale iska qasaarisay waxaana u kala dhaliyay Cabdalla Axmed Cabdalla N0-5, Farxaan Cali Maxamed No.10 iyo Yuusuf Xasan Barrow , waxaana ka qasaariyay C/kariin C/qaadir Jimcaale, No.16 iyo Aadan Maxamuud Xuseen No.2.

Shangaani oo afar tuurasho ay kaga filaatay in ay guusha helaan waxaana afarta tuurasho oo wada dhashay u kala saxiixay C/saaq Maxamed Axmed No/6, C/laahi Cusmaan Shiikh Nuur No.12, Cabdi Maalik Cumar Cabdi No.18 iyo Axmed Maxamed Shiikh oo No-8, waxnaa sidaasi ay 4-3 guusha ku raacday Shagnaani

Geesiga shangaani waxuu ahaa goolhaye Cabdi Abuukar Axmed Kaasoo waqtiga caadiga kooxdiisa goolal badan ka badbaadiyay sidoo kalena laba rigooqo qabtay.

Shangaani ayaa ku biiraysa degmooyinka Waaberi iyo Hodon oo horay usoo gudbay waxayn afar-dhamaadka isniinta la ciyaari doontaa degmooyinka Wadajir iyo Shibis degmadi soo baxda.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*