| | 461 views

ADUUNYOOY XAALKAA BA’ MA ABUU-MANSUURBAA MUSHARRAX AH MAANTA!!!

Waa aduunyo iyo xaalkeede, maantana Sh.Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa ah musharrax utaagan madaxtinimada maamulka Koonfur-Galbeed.

Waxaan aad ugu dulfikiray in Abuu Mansuur “Heeso looqaadayo” musharraxnimadiisa loogu ololeeynayo.

Waxaa yaab leh in Abuu Mansuur sidoo kale kaqeeybgalayo, oo wax lagu dooranayaa wax la dhoho

“Democracy” iyo nidaamka hadda reer-galbeedku wax udoortaan.
Waa yaabka yaabkiise, hadii ladoorto wuxuu maamulka kuxukumayaa “Dastuurka/Constitution-ka Mamaulka Koonfur-Galbeed, oo ah Dastuur bini’aadam qoray.

Ugu dambeyn waxaa maamulka Koonfur-Galbeed jooga ciidamada Itoobiya, oo Amniga guud mas’uul ka ah, oo isaga iyo maamulkiisaba waardiyeeyndoona. Ma anigaa waalan mise Cadanbaa laga heesayaa!

Waa su’aal da’weey oo madaxa daalineeysee, maxaa Ummadan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah lagu xasuuqayey mudada sanadaha ah?

W/Q: Abdi Boqor



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*