| | 303 views

Dib U Dhac Ku Yimid Ku Soo Laabashada Eritrea Ee IGAD

Waxaa dib u dhacay ku soo laabashada ay Eritrea ku soo laaban lahayd xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in ay maanta dhacdo, sida uu qorshuhu ahaa.

Wafdiga Eritrea ayaan imaanin madasha shirka.

Waxaa kale oo aan soo xaadirin madaxweyne Isaias Afwerki.

Eritrea iyo madaxda dalalka IGAD midkoodna kama uusan hadlin.

Laakinse xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo BBC la hadlay ayaa yiri “waa arrin wakhti uun ku xiran. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo”.

Shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid nboqon doono shan madaxweyne ku xigeen.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada