| | 411 views

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka duwan kuwii hore ka wada Muqdisho

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saakay lagu arkay inta badan isgoosyada magalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxa ay sameenayeen Howlgallo ka duwan kuwii hore isgoosyada uga sameyn jireen ciidamada kale ee amaanka dowladda Soomaaliya.

Ciidankaan oo u muuqda kuwo taxadar badan muujinaya ayaa si isku mid ah u baarayay dhamaan gaadiidka raaxada iyo kuwo kale ee Dadweynaha  waxa ayna dadka shacabka ah ku amraayeen in gawaarida ee ka soo dagtaan si loo baaro.

Laamaha amaanka weli faa faahin badan kama bixin howlgalkaan laakiin baaritaanadaan xoogan ee at wadaan ciidamada ayaa imaanaya xili weeraro ismiidaamin ah lagu qaaday labo xarrun oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada