| | 306 views

Deg.Waaberi oo marki 4-aad u soo baxday semi finalka tartanka K/Cagata degmooyinka+Sawirro

 Degmada Waaberi ayaa marki  afaraad oo xiriir ah iska xaadirisay  afar-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir  kadib markii ay 1-0 uga adkaatay  degmada Boondheere.

 Labada  degmo oo uu kulankan u ahaa  kulanki saddaxaad oo xiriir ah oo ay tartankan isaga hor yimaadaan   afarsano ee u dambaysay ee la qabto ayay   waxay garoonka Banaadir kusoo bandhigeen .

 Kulanka ayaa sidoo kale ahaa   sanadki labaad oo xiriir ah oo ay labada degmo ku kulmaan wareega 8-da  waxaana sanadki labaad oo xiriir ah guusha ay raacday   degmada Waaberi  waloow ay wali dhagahooda kasii guuxayso guuldaradii ay Boondheere kala kulmeen   fiinaalihii 2015.

 Goolka qura ee ay  Waaberi guusha ku heshay waxaa qaybta labaad ee ciyaarta u saxiixay laacibka No-10 Xuseen Maxamed Xuseen kaasoo  gool aad u qurux badan  dhaliyay isgaoo goosha kasoo toogtay     banaanka  diilinta  18-aad.

Xuseen oo tartanka   ku hogaaminaya  6 gool  Ayaa sidoo kale  noqday laacibka  ciyaarta waxaana lagu guddoonsiiyay  abaal-marintan oo   ay bixinaysay    Muqdisho Cable  isagoo helay Reciever.

 Abaal-marintan oo  uu  horay u ballan qaaday maamulka ISboortiga Gobolka Banaadir ayaa la bixin doona  dhamaan kulamada tartanka ka haray.

Dhanka kale waxaa la baajiyay kulanki maanta oo talaado   qorshaynaa  jadwal ahaan inuu dhex maro degmooyinka Hodon iyo Xamar Wayne kadib  dhibaatadii ka dhacday  degmada Hodon oo ay dad badani  waxyeelo kasoo gaartay.

 Hodon iyo Xamar Wayne ayaa  ciyaari doona maalinta Khamiista oo ay taariikhda ku beegan tahay 13 September 2018.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*