| | 317 views

Wareega 8-da tartanka kubadda cagta degmooyinka oo maanta bilaabanaya , ogoow sida loo ciyaarayo wareegan.

Waxaa maanta garoonka Banaadir ka bilaabanaya kulamada Wareegga 8-da tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.

Tartanka oo ay ka qayb galayeen 17-ka degmo ee gobolka waxaa wareegga 8-da isugu soo haray degmooyinka. Waaberi iyo Shangaaani oo Group A kasoo gudbay Hodon iyo Shibis oo Group B kasoo baxay, Howl-wadaag iyo Boondheere oo Group C kasoo baxay iyo Wadajir iyo Xamar Weyne oo Group D ka yimid.

Kulamada wareegga 8-da , afar- dhamaadka iyo kama dambaysta waxaa dhammaan lagu ciyaari doona garoonka Banaadir, waxaana degmooyinka isugu beegmeen.

Waaberi vs Boondheere garoonka Banaadir 10 September 2018

Hodon vs Xamar wayne Garoonka Banaadir 11 September 2018

Howl-wadaag vs Shangaani Garoonka Banaadir 14 September 2018

Wadajir vs Shibis Garoonka Banaadir 15 September 2018

Afar-dhamaanka tartanka waxa ala ciyari doonaa

Sabti 16 September 2018 waxaa wada dheeli doona degmooyinka Waaber vs Boondheere tii soo gudubta iyo Hodon vs Xamar Wayne.

Axad 17 September 2018 Kulanka labaad ee Afar- dhamaadka waxaa wada yeelan doonaa degmooyinka Howl-wadaag iyo Shangaani tii soo baxda iyo Wadajir vs Shibis.

Fiinaalaha tartanka waxaa la ciyaari doonaa 18 September 2018



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada